Deeq A. Posted March 8, 2020 Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Fred Matinag ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Fred Matinag iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Kenya iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa saacadaha soo aadan kulamo aqalka madaxtooyada Soomaaliya kula leh madaxda sare ee dalka. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Kenya uu wafdigan u soo diray Muqdisho, waxaana dowladda ay kala hadli doonaan xiriirka labada dal. Dhowaan ayey aheyd markii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ku wada hadleen khadka taleefanka iyagoo ka arrinsaday xiisada ka taagan xadka labada wadan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites