Deeq A. Posted March 8, 2020 Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in maanta ciidamada Jubbaland ay bililiqeysteen guriga wasiir ku xigeenkii arrimaha gudaha maamulkaasi, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Cawar) oo saacadihii la soo dhaafay isku dhiibay ciidanka dowladda. Guriga wasiirka ee la bililiqeystay ayaa ku yaalla gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Korneyl Cabdirashiid Macalin (Gaas) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in dhammaan ciidamadu ay qaateen wixii agab iyo hanti ah ee yiilay guriga, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Turki-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites