Deeq A. Posted March 8, 2020 Hay’adda arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada xeebaha dalka Lipya ay soo badbaadiyeen boqolaal ruux oo muhaajiriin ay Soomaali ku jirto. UNHCR ayaa sheegtay in muhaajiriinta laga soo badbaadiyey xeebaha dalka Lipya ay u kala dhasheen wadamada Syria, Sudan, Palestine, Eritrea, Somalia iyo Ethiopia. Sidoo kale hay’adda UNHCR ayaa tilmaamtay in muhaajiriintaasi ay qorsheynayeen in ay sii gudbaan dalka Talyaaniga, balse ay cilad ku timid doonidii ay saarnaayeen. Hay’adda ayaa sidoo kale xaqiijisay in dadkaasi ay gaarayaan illaa 34 muhaajiriin ah oo inta badan ka soo jeeda qaaradda Afrika. Si kastaba ha’ahatee ma’ahan markii ugu horreysay oo muhaajiriin ay Soomaali ku jirto laga soo badbaadiyo xeebaha dalka Lipya,waxaana muhaajiriintu inta badan ay u bareeraan safarka halista ah ee Badda Medeterenian-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites