Deeq A. Posted March 8, 2020 Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan saddex geesood ah uga socdo mas’uuliyiin ka kala socda dowladaha dariska ah ee wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dowladda federaalka uga qeyb galaya taliye ku xigeenka NISA, Cabdullaahi Kulane, halka dhinaca Itoobiyana shirkaasi uu ku matalayo sarkaalka ugu sarreeyay ee ka howlgala dhinaca xuduuda. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in shirkaasi diirada lagu saarayo xiisada ka taagan xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mas’uuliyiinta Kenya kulanka uga qeyb galaya lagu qasbayo inay cadaadis ku saaran wasiirka amniga Jubbaland, sidii loo qarametyn lahaa ciidamada uu wata ee dhaq dhaqaaqyada ka wada dhinaca xadka. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee uu hoggaaminayo Janan ay ku dagaalameen degmada Beled-Xaawo ee G/Gedo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites