Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta keentay in wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya uu kasoo dago Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi oo Maanta so gaarey Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin waxaa uu ka bixiyey ujeedadaka dambeysa Safarka uu ku yimid Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigey Bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in isaga iyo Saraakiil Sare sare oo ka tirsan Dowladda Kenya uu Muqdisho usoo direy Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,si ay Madaxweyne Farmaajo ugala hadlaan xiisadda ka taagan xadka labada dal.

“Ka dib mowjado caqabado dhinaca amniga ah oo dhawaanahan kusoo kordhay soohdinta Kenya iyo Soomaaliya, ayaa qaar ka mid ah saraakiisha sare ee dowladdu iyo aniga uu noo soo direy Soomaaliya Madaxweyne Kenyatta si aan kula kulano dhiggiisa ee Madaxweyne Farmaajo ayuu yiri” Fred Matiangi.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadli doonaan sidii loo xakameyn lahaa Arrimaha ka taagan xuduudaha dalka oo uu dhawaan dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dowlada & kuwa Jubbaland.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu qadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, sidii xiisada ka taagan xuduuda loo qaboojin lahaa.

Xiisada ka jirta xadka ayaa salka ku haysa Wasiirka Amniga Jubbaland iyo ciidamo uu wato oo gudaha u galay dalka Kenya kuwaasoo halis ku ah ciidamada dowlada federalka ay geysay magaalada Beled-Xaawo.

Dowlada Maraykanka ayaa cadaadis xoog leh saarayaysa labada dowladood sidii xal looga gaari lahaa khilaafka cusub ee sababay in ammaanka xadka uu xumaado.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii  loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this