Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo muddo bil ah hakisay doomaha Kalluumeysiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Cali Xasan Axmed (Sabarey) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey qodobadii ka soo baxay shir looga hadlayey xaaladaha guud ee maamulkaasi, kaas oo ay golaha wasiirada saacadihii la soo dhaafay ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasimadda gobolka Nugaal.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arimaha amniga, waxbarashada iyo sida looga hortagi karo caabuqa Coronavirus.

Wasiir Sabarey ayaa sheegay in la hakiyay muddo bil ah Doomaha Kaluumaysiga ee ka yimaada qaar ka mid ah wadamada caalamka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-1-cabdiqani.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this