Deeq A. Posted March 8, 2020 Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Cali Xasan Axmed (Sabarey) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey qodobadii ka soo baxay shir looga hadlayey xaaladaha guud ee maamulkaasi, kaas oo ay golaha wasiirada saacadihii la soo dhaafay ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasimadda gobolka Nugaal. Kulanka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arimaha amniga, waxbarashada iyo sida looga hortagi karo caabuqa Coronavirus. Wasiir Sabarey ayaa sheegay in la hakiyay muddo bil ah Doomaha Kaluumaysiga ee ka yimaada qaar ka mid ah wadamada caalamka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-1-cabdiqani.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites