Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo faahfaahiyay duqeyn uu ku laayay xubno ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 7/3/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow degaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntaas ayaa sida Maraykanku sheegay waxay  ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab sida uu sheegay kuxigeenka Taliyaha Howlgalada Taliska AFRICOM Janeraal Miguel Castellanos.

Mareykanka waxay si dhow ula shaqaysaa la-hawlgalayaasha caalamiga ah dadaallada la xiriira horumarinta waaxda amniga, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, AMISOM iyo waddamada kale ee ku tabaruca ciidamada Wadajir ahaan, waxaa naga go’an horumarka Soomaaliya ee sii kordhaya” ayaa lagu yiri Qoraalka Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo faahfaahiyay duqeyn uu ku laayay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this