Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ku dagaallamay Shabeellada dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalkan ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Raaxoy oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad halkaas oo Al-shabaab ay weerartay  fariisimo ayku leeyihiin Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab ay iska difaaceen isla markaana ay war hayeen weerarkaas inkastoo aysan faahfaahin ka bixin Khasaaraha ka dhashay.

Dadka degaanka Raaxoy ayaa soo sheegaya in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, in kastoo aysan cadeyn karin Khasaaraha labada dhinac

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ku dagaallamay Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this