Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dil ka dhacay Gubadley

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya uu shalay ka geystay deegaanka Gubadley ee duleedka M/Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay wiil yar oo 14 jir ahaa, kaas oo xilliga la dilayey ka soo laabtay iskuul.

Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka marxuumka lama oga, balse askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay ilaalada Saney Cabdulle Gaab oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo ciidamadiisa ay joogaan deegaankaasi.

Maxamuud Maxamed Jaandhaay oo adeer u ah wiilka la dilay ayaa faah faahin ka bixiyey, sida ay wax u dhaceen, isaga oo baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-turki-gubadleey.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this