Deeq A. Posted March 8, 2020 Balcad (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro iyo dagaallo xigay oo xalay ka dhacay gobolka Sh/Dhexe. Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay weerareen saldhiyo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Balcad ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in weeraradaasi uu xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay maqlayeen guuxa diyaarado dagaal oo ku dul meereysanaya hawada deegaankaasi. Illaa iyo hadda si dhab ah looga oga khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalladaasi iyo weerarada ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa howlgallo baaritaano ah ka bilaabay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fuliya jidkaan oo muhiim u ah isku socodka magaalada Muqdisho iyo deegaanada HirShabelle. Share this post Link to post Share on other sites