Deeq A. Posted March 7, 2020 Maxkamada Ciidanka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Dable Bile Khaliif Xussein oo ka tirsan Ciidanka Xooga dalka qaybta 43-aad. Askariggaan ayaa 5tii bishan sadexaad 2020 askari kale oo ka tirsan ciidanka xooga dalka ku dilay xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Dhicis Axmed. Garsooraha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dawlad goboleedka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay in Askarigan lagu riday xukun dil ah. Garsooraha ayaa sidoo kale askarta dawladda uga digay in ay hubkooda si khaldan u adeegsadaan isaga oo sheegay in cid walba oo cid kale disha sharciga la marin doono iyada oo aan la eegaynin shaqadiisa ama mansabkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites