Deeq A. Posted March 7, 2020 Balcad (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidanka xooga ay leeyihiin. Saldhiga ayaa ku yaala degaanka Raaxow, sidda ay Shabeelle u sheegeen illo wareedyo dadka degaanka ah. Warbixinada ayaa intaas ku daraya in la maqlay daryenka hub culus, oo loo maleynayo in ay yihiin goobiyeyaal. Ma cadda khasaaraha ka dhashay falkaas, wallow maamulka uu sheegtay in ay iska caabiyeen weerarkaas. Al-Shabaab wali dhankooda wax war ah kama soo saarin duulaanka la tilmaamay in ay iyagu qaadeen. Inta badan weeraro noocaan ah ayaa laga soo wariyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, mana muuqato qorshe wax looga qabanayo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites