Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weeraray saldhigga Ceel-Gelle iyo diyaarado hadda ugaarsanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Geelle oo hoos taga degmada Balcad.

Dagaal socday mudo kooban ayaa waxaa la sheegay in uu dhex maray labada dhinac, isla markaana ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay iska caabiyeen weerarkaas ay kusoo qaadeen Al-Shabaab.

Dagaalka kadib ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeeg-sadeen madaafiic, kadib markii Shabaab-kii soo weeraray deegaanka Ceel-Geelle, oo dib uga laabtay ay deegaanka kusoo garaaceen madaafiic, halka ciidanka dowladda iyo AMISOM ay iyaguna madaafiic kale ugu jawaabeen.

Haatan waxaa lasoo werinayaa in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka ay dul wareegayaan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ee Ceel-Geelle iyo nawaaxigiisa, kuwaas oo ugaarsanaya dagaalamayaashii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la aaminsan yahay in ay haatan ku dhuumaaleysanayaan dhulka howdka ah ee dhaca duleedka deegaanka Ceel-Geelle oo ay caawa weerarka ku qaadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this