Sign in to follow this  
Deeq A.

Taabit oo hadalkii Abiy ka jawaabay: “Ma jirto sabab aan uga dhuumano taariikhdeena”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Onlin) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay kiiska ku saabsan dagaalkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya sanadkii 1977 kadib hadal dhawaan kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed ayaa weyneeyey dagaalkii 1977, isaga oo qoraal uu soo saaray ku sheegay in Itoobiya ay dagaalkaas ku jebisay wax uu ugu yeeray “cadowgii Soomaaliya ee soo weeraray.”

Si kastaba, ma jirin meel Soomaaliya ah oo laga xusay dagaalkaas iyo guushii Soomaaliya ay ka gaartay ka hor inta aanay dalal kale usoo gurman Itoobiya. Sidoo kale ma jirto cid ka mid ah madaxda Soomaaliya oo soo hadal qaaday.

Guddoomiye Taabit, oo qoraal soo dhigay facebook, ayaa sheegay inaysan jirin sabab keeni karto in la qariyo taariikhda dalkeena. Hoos ka aqriso qoraalka Taabit.

Dagaalladii Soomaaliya & Itoobiya waxey ahaayeen kuwo gobonnimo-doon ah oo ay gashay Ummadda Soomaaliyeed, waxeyna taariikhda dalka uga jiraan qeyb aan laga tiri karin waligeed. Ma jirto sabab aan uga dhuuman karno taariikhdeena. Nooc walba oo ay taariikhdu u taallo; qaraar iyo macaan, guul iyo guuldarro, waa inaan xusnaa, waxna ka qornaa.

In jiilkeena cusub iyo kuwa xiga loo sheego taariikhdeena una duceyno halgamayaashii inooga dhintay, wanaagna u muujino kuwa maanta nool kama dhigna naceyb, damqin iyo daris xumeyn.

Mar walba Madaxda Soomaaliyeed ee xafiiska joogta ayaa masuul ka ah iney kor u sheegto, oo ay karaameyso taariikhda dalka. Ummadda Soomaaliyeed waa in ay isha ku heysaa, lana xisaabtantaa qof walba oo isku daya inuu dafiro, duugo ama dul-duleel xun u yeelo taariikhdeena gumeysi diidka ah.

Mahad-badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this