Deeq A. Posted March 7, 2020 SABABAHA KEENA SHAQO LA’AANTA IYO SIDA LOOGA BIXI KARO W/Q: FARXAAN MAXAMED XASAN “RAKAD” BERBERA Shaqo la’aantu waxay noqotay caqabad ka taagan meelkasta oo caalamka ah, waxa kale oo noqotay cabasho joogtaa oo masuuliyiinta dawladaha lagu canaanto, heerka shaqo la’aantu dalalka caalamka way u kala badan yihiin siday u kala horumarsan yihiin, waxaanay noqotay olole lagu galo doorashooyinka in shaqo la’aanta hoos loo dhigo. Caalamka waxkastaa sabab ayay leeyihiin , shaqo la’aan kastaana sabab ayay leedahay, mararka qaarkood waxa sabab u ah kala badnaanshaha baahida suuqa iyo dadka, oo waxa yaraada suuqii u baahnaa shaqaale , waxaanna bata dadkii shaqo doonka ahaa sidoo kale isbeddelka technologiyada casrigan oo sababtay in shaqaale badan hawada laga saaro iyadoo sanadka 2030kana la waddo hab imika tijaabo ah oo lagaga shaqeyesiinayo malaayiin robots ah “ dad u eeke” si looga maarmo ibnu aadankii shaqeyn jiray ama qabanaya shaqooyinka aanay dadku qaban Karin. Marka la qeexayo shaqo la’aanta maxay tahay? Waxa lagu qeexaa marka qofku shaqo raadiyo se aannu helin taas ayaa la idhaa “unemployment” shaqo la’aan sidoo kale shaqo la’aanta waxa la idhaahdaa marka qofku afar wiig oo isku xiga shaqo raadiyo se aannu helin markaas ayaa la odhanayaa waa bilaa shaqo. Marka aynu waddankeena joogno waxa jira shaqo la’aan baahsan oo aan caalamka kale ka jirin taas oo dhallinyaro badan tahriibisay, niyad jabisay taas oo aan odhan karno qofkasta oo shaqo la’aan u tahriibay ama u niyad jabay waxay caqabad iyo dhib ku tahay naftiisa, qofku shaqo wuu waayi karaa se haddii aannu aqoon u lahayn sida shaqo loo helo ama loo abuuro amaba loo raadiyo waxay sababaysaa in la tahriibo ama la niyad jabo oo lagu dambeeyo balwado kala duwan iyo hadal ah dalkan shaqo ma taallo taasi oo ku tusinaysa niyadjabka ku haysta. Waa run shaqo la’aan way jirtaa waanan qirayaa se inta maanta shaqaysaa waa inta taqaana sida shaqo loo helo ama loo raadiyo, waa inta aqoon kala duwan leh ,waa inta xirfadaha shaqo leh, waa inta diyaarka u ah innay shaqo helaan. Inta shaqo la’aantu haysaa waa inta aan haysan xirfadaha shaqo ee markaa loo baahan yahay, inta aan diyaarka u ahayn innay shaqaystaan, waa inta aan shaqo raadin ee iska fadhiya makhaayadaha intaas ayaan u aqoonsaday innay shaqo la’aani hayso, waa inta aan aqoontooda loo baahneyn, waa inta ay farsamooyinka shaqo raadisku ka dhiban tahay, waa inta aan dadka hor istaagi Karin, waa inta aad jeclayn shaqada, waa inta seexata, waa inta balwadaha leh, waa inta aan xirfadaha lahayn. Haddii aanad gurigaba dhaafin oo aad leedahay shaqo ma jirto waa adiga dhibku ee dalka maaha, haddii aad ku niyad jabtay laba jeer oo aad imtixaan ama waraysi gashay oo aad tiraahdid waddanku waa qabyaalad wali waad khaldan tahay, way jiraan shaqooyin aan si daacadda ah dadka lagu kala saaraa, sidoo kalena way jiraan shaqooyin cidda la doonnayo un la qorto se marka aad arday tahay waxa kugu waajiba innaad meelo kala duwan ka codsatid shaqooyin kolba aqoontaada ama shaqada diyaar ah ee laguu soo bandhigo innaad qabatid. Waxa jira shirkado badan hay’ado badan oo shaqaale qorista si daacada u qorta oo haddii nasiibku kula kulmiyo aad soo gaadheysid inta aqoontaadu tahay. Noocyada shaqo la’aanta ee caalamka waxa ugu muhiimsan afartan qaybood ee kala ah :– Structural unemployment: waa marka qofka shaqadii hore ay ka dhamaatay ama uu ka tagey ee uu wali raadinayo shaqo kale ee aannu wali helin wax shaqo ah. Frictional unemployment: waa marka xirfadaha shaqo ee aad leedahay laga baxo, ama aan loo baahneyn taas oo lagu beddelo Technology ama qalab casri ah oo shaqadaadii qabta. Cyclical unemployment : waa marka dhaqaalaha dalku hoos u dhaco, ama aanu fadhiyinba, waxa dhaca in shaqaale badan shaqada laga fadhiisiyo ama la fasaxo, maxaa yeelay waxa yaraanaya baahidii bulsho ee wax iibsiga, shirkada iyo alaabta ay shaqaaluhu soo saaraan marka loo waayo suuq lagu iibsado. Seasonal unemployment: shaqo la’aanta ay sababto isbeddelka cimilada ee caalamku, waana marka ay jiraan isbeddelo cimileed tusaale ahaan sida baraf, kuleel sida Berbera wakhtiyadda xagaaga waxa la yareeyaa shaqaalaha halka wakhtiyada qabawga suuqu badan yahay shaqaale badanna loo baahdo tusaale ahaan goobaha cuntooyinka iyo cabitaanka ayaa ku xidhan isbeddelka cimilada, dhismayaasha ayaa istaaga wakhtiyada xagaaga, waxaanna yar dhaq-dhaqaaqa iyo fulinta mashaariicaha dawladda iyadoo lagu simo wakhtiyadda jiilaalka. Dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee shaqo la’aanta Markasta oo shaqo la’aantu badato waxa hoos u dhacaya cashuuraha dawladu hesho, waxaanna hoos u dhacaya mashaariicaha ay fulin jirtay iyada oo dawladu xooga saareyso shaqo abuur iyo shaqaaleysiin kala duwan. Marka dadka shaqeeyaa badan yihiin waxa kordhaya dhaqaalaha waddanka, waxaana kordhaya mashaariicaha ay dawladu fuliso ee kala duwan , marka dadka shaqeeyaa bataan waxa iyana bata kor u kaca waxbarashada iyo in dadku xooga saaraan innay aqoontooda sii laban laabaan. Sidoo kale haddii xaalada shaqo la’aantu badato waxa ay sababtaa tahriib, iskooxeysi iyo in jabhado bilaabmaan taasna waxa ay caqabad ku noqonaysaa dawladda oo awood badan iyo dhaqaale looga baahan yahay innay geliso sidii loo yareyn lahaa. Sidee ayaa haddaba shaqo ku helaysaa aniga aragtidayda? Shaqo: waa hawl la qabanayo oo ujeedo laga leeyahay, In shaqo la’aanta laga wado baxo maaha hawl fudud se waa mid kolba qayb laga bixi karo, waxaanay ku xidhan tahay xaaladda guud ee caalamka, xaalada guud ee halka aad ku nooshay, xaaladda guud ee dhaqan dhaqaale ee dalka aa degan tahay, haddaba haddii aad dooneysid innaad ka baxdid shaqo la’aanta ku haysa waxaa lagaaga baahan yahay in aqoontaadu tahay baahida suuqa taalla ama xirfadaada shaqo loo baahan yahay, haddii aannad xirfadda maanta loo baahan yahay aannad lahayn waxaad isku daydaa innaad baratid oo aad heshid xirfadaha shaqo ee loo baahan yahay. Aqoon: aqoontu waa garashada, waayo-aragnimadda, xaqiiqada, xirfadda, fahanka, casriga iyo cilmiga wax lagu beddelo, waa shayga maanta dunida iyo caalamkaba kala kaxeeyey ee midb meel gaadhsiiyey, waxa la isku erynayaa waa heerarka aqooneed ee la gaadhey, marka hore wax baro , aqoon kala duwan baro, adigoo markasta aqoontaada ku dabaqaya baahida suuqa ee shaqo ee loo baahan yahay, maanta aqoonta loo baahan yahay waa aqoonta xirfadaha iyadoo ta diiniga ahi tahay nolosha bilawgeeda haddana aqoonta labaad ee aad iyana ku shaqo tagi kartaa waa xirfado kala duwan oo aad yeelatid, markaad shaqeysatid ee aad dedaashid ayaad xafiis cad iyo kursi cad ku fadhiisan oo laguu shaqeyn doonaa ee taa niyada gali oo markiiba xafiis ha niyeysan eehalganka nolosha bilaw. Innaad shaqo diyaar u tahay:- marka hore naftaada ka dhaadhici innaad shaqodoon tahay, ama aad shaqeysan kartid, ha iskuna haleyn xoolaha waalidkaa, xoolaha saaxiibkaa ama walaalkaa waayo haddii aanad u shaqeyn iyaga oo ay biil ku siiyaan jooji oo shaqo iyo nidaam hal abuur ula tag. In shaqo doonka/raadiska la badiyo subaxkasta :- waa in la booqdo goobaha sida shirkadaha waaweyn iyo ururada kala duwan ee dalka ka wada shaqooyinka In aan Online/ habka fog oo kaliya aan shaqo laga codsan :- waa in loo tago shirkadaha waaweyn ee dalka maxaa yeelay shirkadaha dalka qaarbaan shaqooyinkaba aan xayaysiinba. Hal abuur cusub iyo hab cusub:- hal abuur cusubi oo aad keentid waxay abuureysaa innaad shaqo heshid tusaaale dhallinyarada keenay fikirka Dhaweeye maanta iyaka ayaa ku shaqeysta oo ka shaqeysta. Ku xidhnaanshaha Websiteyada:- ku xidhnaw goobaha iyo jariiradaha lagu baahiyo Shaqooyinka sida Somali jobs, Shaqodoon, SYG, iwm. In la la yeesho aqoonta waraysiga iyo imtixaanka:- waa in la fahmo qaababka wareysiga loo qaado. Aqoonta loo baahan yahay baro:- waa In aqoonta la baranayo ay noqoto ta loo baahan yahay ee baahideedu suuqa taalo. In aan la niyad jabin oo niyada la galiyo waad helaysaa shaqo:- waad heli kartaa shaqo, waad shaqaysan kartaa, waad gaadhi kartaa, waanad dhaafi kartaa kuwa shaqaysta. In shaqo loo diyaar garoobo :- waa in hurdada laga kaco, subaxkasta salaada ka dib la baxo, Alle la baryo ka dibna qorshe iyo qaab loo sameeyo sidii shaqo loo heli lahaa, haddii la waayo shaqo, waxaad samayn kartaa ganacsi ayaad abuuran kartaa, wax soo iibi wajaale ama dubai, ama chine u dirso, waxa aad is leedahay waa loo baahan yahay oo aad hubisay bilaw, waan ogahay in ay culus tahay in dhaqaale la hellaa se sikasta samee oo aad ku helli kartid, amaaho, waalidkaa la wadaag waata marka la tahriibaba la bixiyo kumanaanka kune. La xidhiidhka shaqaalaha shirkadaha: – waa Innaad asxaab ku yeelatid shirkadaha iyo hay’adaha kaas oo kula wadaagaya kolba wixii fursad ah ee jirta, ama si joogtaa ula xidhiidh qofka haysta qaybta shaqaalaha iyo soo dhaweynta si aad xog shaqo u waydiisid ama ay kuugu sheegaan in shaqo soo dhawdahay. Sammeyn fikir cusub :- ama in aad waddooyinka la martid boodh ah waxaan ahay shaqo doon iyo xirfadda aad leedahay taasi waa mid innagu yar se inta samaysaa waxay hellaan jawaab iyo shaqo U shaqee si mutadawacnimo:- haddii aad heshid meel aad ugu shaqeyn kartid mutadawacnimo bilaw haddii lagugu qanco waxaad noqon kartaa shaqaale joogto ah waxaanad heli doontaa gaadhi raac iyo nususaace. In shirkadaha cusub ee dalka imanaya isha lagu hayo:- shirkadaha cusub ee dalka imanaya ama la abuurayo haddii aad ogaatid waxaad haysata jaanis shaqo oo kuu dhaw, ha ka fogaan is barta, shaqo ka codso, in badan xafiiskooda booqo, haddii aanay shaqo hayn codsi “internship “ Mutadawacnimo, taasi waxay ku siineysaa fursad ah innaad shaqo heshid. Goobaha shaqooyinka lagu soo bandhigo oo la tago:- waddankeena waa ay ku yar-yihiin carwooyinka shaqadu se haddii aad ka war heshid ka shaqee oo ka wardoon goobahaas iskana diiwaan gali laga yaabaa in aad nasiib u yeelatid shirkad kuu baahan. La soco qaybaha dambe Farxaan Maxamed Xasan “ Rakad” Berbera farxaanmxd@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites