Sign in to follow this  
Deeq A.

UNCHR oo boggaadisay dadaallada dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa soo dhoweysay dadaalada dowladda Soomaaliya ay wado ee arrimaha dib u dajinta dadka barakacayaasha ah.

Johann Siffointe wakiilka hay’adda u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in warbixinadii ugu dambeeyay ay muujiyeen in dowladda Soomaaliya ay xal u heshay dib u dajinta dadka barakacayaasha ee ku dhaqan gudaha dalka.

UNHCR ayaa sheegtay in dad gaaraya 2 .6 Milyan ay gudaha Soomaaliya ku barakiciyeen colaado iyo xiisado ka jira qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Dhanka kale hay’ada UNHCR ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay ka caawiso dib u dajinta loo sameynayo dadka barakacayaasha ah, islamarkaana shaqo abuur loogu sameyn lahaa dadkaasi.

Warka ka soo baxay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ku soo beegmaya xilli bishii November ee sanadkii la soo dhaafay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu saxiixay axdiga Kampala oo ah mid madaxda caalamka ay wax ugu qabanayaan dadka gudaha dalalkooda ku barakaca.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this