Deeq A. Posted March 7, 2020 Maamulka boqortooyada Saudi Arabia ayaa xabsiga dhigay saddex amiir oo ka tirsan qoyska boqortooyada dalkaasi. Saddexda amiir ee la xiray ayaa kala ah Axmed Bin Abdulcasiis oo ah Boqor Salmaan walaalkiis, dhaxalsugihii hore ee boqortooyada ahaana wasiirkii arrimaha gudaha Maxaxmed bin Nayef, iyo amiir Nawaf bin Nayef. Sida ay tibaaxayaan wararka la xiriira xarrigan, ugu yaraan laba ka mid ah saddexda nin ee la xiray ayaa lagu eedeeyey khiyaano qaranSaraakiisha Sucuudiga ayaanse wax war ah ka soo saarin xarigan. Warbaahinta ayaa ku waramaysa in dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salman oo ah wiil uu dhalay boqorka Sacuudiga uu amray xarriga mas’uuliyiintan. Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa si weyn loo aaminsan yahay inuu mas’uul ka ahaa sidii arxandarada ahayd ee loo dilay wariye Jamal Khashiggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay dalka Turkey. Sidoo kale, waxaa uu ka danbeeyey xarigga boqolaal qof oo ka tirsan qoyska reer boqor, ganacsato iyo wasiiro sanadkii 2017-kii lagu xiray hotelka Ritz Carlton ee ku yaalla magaalada Riyadh ee caasimadda dalkaasi. PUNTLAND POST The post Sacuudiga oo Xabsiga Dhigay Amiiro ka Tirsan Boqorytooyada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites