Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo afar dowladood ku eedeeyay in ay burburin ku wadaan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
7-5.jpg?resize=1000%2C674&ssl=1

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka  Jubbaland.

Munaasabada furitaanka Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Jubbaland, waxaa kasoo qaybagalay madaxweyne ku xigeenka labaad Xubno ka tirsan labada gole ee Jubaland Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka socday labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo munaasabadan ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay xooga saartay dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn yihiin amaanka iyo Hormarka.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in shacabka iyo dowlada Jubbaland ay ka guulaysan doonan kooxaha Argagixisada ah loona diyaar garoobayo howlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo dhammaan degaanada ay wali ku harsan yihiin iyadoo sidoo kale la isku farayo dhamaan degaanada xorta ah Ciidamada Jubbaland ee howlagaladaas fulin lahaana ay diyaar yihiin.

Arimaha gobolka Gedo ayuu Madaxweynahu sheegay in duulaan cad ay kusoo qaaday dowlada Federaalka ah degaano nabdoon oo Al-Shabaab laga saaray 10 sano kahor, isagoo xusay in boqolaal shacab ah ay halkaas ku barakaceen sidoo kalana ay Dowlada Federaalka ah burburisay maamulkii halkaas ka jiray.

Madaxweynahu wuxuu u sheegay dowlada Federaalka ah in ay Ciidamadeeda si shuruud la’aan ah ugala baxdo Gobolka isagoo intaas raaciyay in Ciidamada halkaas la geeyay ay joojiyaan dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan.

Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay hay’adaha gargaarka inay kaalmo deg deg ah lasoo gaaran dadka shacabka ah ee deegaanada daawo ee Gobolka Gedo ku barakacay.

Arimaha Doorashooyinka iyo dhamaystirka Dastuurka ayuu Madaxweynahu sheegay in aanay waxba ka soconaynin hadii aanay go’aan ku lahaanin dowlada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo dhinacyada ku lugta leh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Barnaamijka Deyn cafinta oo mudo soo socday ay diyaar u tahay Jubbaland sidii guul looga gaari lahaa lakiin loo baahan yahay in dowladaha deeqda ku bixiya Soomaaliya ay ka fiirsadaan waxyaabaha loo adeegsado lacagaha ay Soomaalida siiyaan oo dib loogu burburiyo hanaankii Federaalka ahaa ee dalka dib u dhiskiisa waxbadan ka taray.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay Dowladaha shisheeye in ay faraha kala baxaan Arimaha gudaha Soomaaliya si gaar ahna Dowlada Qadar ayuu sheegay inay joojiso lacagaha ay ku bixinayso burburinta Dowladnimada Soomaaliya isagoo sidoo kale Dowlada Turkiga ugu baaqay inay dib u eegto dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan Ciidamadii ay soo tababareen oo si khaldan loo adeegsanayo.

Waxaa Madaxweynahu uu sidoo kale dowlada Itoobiya uu ugu baaqay inay xakamayso Sarakiisheeda ku lugta leh dhibaatada gudaha ee Soomaaliya isago sheegay in Dowladaha AMISOM ay ku koobnaadan masuuliyada ay dalka u joogaan oo kaliyah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa kale o uu ka hadlay heshiisyada dibadaha ay kusoo galaan Madaxda dowlada iyadoo aan lagala tashan dhinacyada ay saamaynayso waxaa uu xusay Madaxweynahu in heshiisyadaas aan waxba ka jirin oo la burin doono.

Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dimuqraadiyadii dalku ay dhaafi ladahay rajiimka Eretariya waxaana uu is weydiiyay nooca dimuqraadiyad ee aan ka baran karo Eretariya.

  • 9-3.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 8-3.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 7-5.jpg?fit=1000%2C674&ssl=1
  • 6-4.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 5-6.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 4-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 3-6.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 2-7.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 1-7.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo afar dowladood ku eedeeyay in ay burburin ku wadaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this