Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ex. Madaxweyne Gaas

Recommended Posts

Deeq A.   
3-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), oo mudda 13-bilood ah ka maqnaa Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe.

Garoonka Diyaaradah Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir waxaa ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.

Sidoo kale , Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Ex. Madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxaana kulanka ku weheliyay Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Guddoomiye ku xigeenka kowaad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Mudane Gaas, ayaa marti-qaad rasmiya ka helay Madaxweynaha haatan talada haya ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku casumay Shirka Wada-tashiga Puntland ee qorshaysan in la qabto 15-ka bishaan Maarso 2020.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ex. Madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this