Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wakiillada Oo Cod Aqlabad Ah Ku Laalay Kootadii Shirkadda Somcable Loogu Xidhay Xadhiga Internetka Ee Viber Optic-ga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada golaha wakillada Somaliland ayaa saaka soo dhigay mooshin ay ku saxeexan yihiin 20 mudane oo ku saabsan wax ka badalka xeerka is gaadhsiinta oo ay qeyb ka ahayd kootadii internetka ee shirkada Somcable.

68 xildhibaan ayaa cod ku meel mariyay wax ka badalka xeerkaasi halka xildhibaan kaliyana ka diiday guddoomiyuhuna aanu codeyn, xeerkuna sidaa ayuu ku dhaqan galay.

89647301_3151662404866405_61928687193921 20200307_123101-498x1024.jpg 20200307_123632-841x1024.jpg

Wax-ka-badalka xeerkan ayaa fudaydin doona in shirkado badan oo daneynayay inay dalka keenaan internet ay kusoo dhiiradaan maal-gashiga Somaliland.

Si gaar ah Xildhibaannada beesha Gabiley Clan oo saaka xaadir ku wada ahaa fadhiga golaha wakiillada ayaa hal daba la’a ugu coddeeyay in la laalo xeerkan shirkadda Somcable kootada ugu xidhay xadhiga internetka ee Viber Optic-ga.

Shirkaddo badan ayaa la filayaa inay dalka keeni doonaan xadhiga internetka ee Viber Optic-ga maadaama oo meesha laga saaray kootadii ay golaha wakiillada Somaliland ugu xidheen shirkadda Somcaple.

Shacabka reer Somaliland ayaa baahi weyn u qabay inay helaan internet xawaarihiisu sarrreeyo si ay ula jaan-qaadaan dunida.

Madax ka tirsan xisbiyadda mucaaridka ah iyo siyaasi xilala kala duwan ka soo qabtay xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland, Aqoonyahanno, xildhibaanno ka kala tirsan labada golle baarlamaan ee wakiillada iyo guurtida ayaa hore si weyn ugu dhaliili jiray xeerka kootada ugu xidhay shirka Somcaple xadhiga dhulka hoostiisa mara ee Viber Optic-ga.

Muuqaalka warkan iyo waxa ay xildhibaanadu ka yidhaahdeen goor-dhaw kala soco Somalilandtoday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this