Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo lacag ugu deeqay Somalia & dalal kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu 10 Milyan oo dollar ugu deeqay Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, si wax looga qabto saameynta uu Ayaxa uu ku yeeshay dalalkaasi.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in lacagahaasi ay ugu deeqday Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay gaareyso 19 Milyan, marka lagu daro 9 Milyan oo horay ay ugu deeqday wadamadaasi.

Mareykanka ayaa tilmaamay in deeqdaasi lacageed la gaarsiin doono saddexdaasi dal loo soo marsiinayo hay’adda cunada Qaramada Midoobay u qaabilsan ee FAO.

Shalay ayey aheyd markii h’ayadda FAO oo soo xiganaysa xafiiska xiriirinta arrimaha Bani’aadanimada ee QM (OCHA) ay sheegtay in Ayaxa uu haatan ka bilowday gobollada Waqooyi Bari ee Soomaliya , iyagdoo la filayo in uu kordho todobaadyada soo socda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this