Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo war ka soo saaray xiisada Somalia & Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha golaha Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in ururka uu ka walaacsan yahay xiisada xoogan ee u dhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Moussa Faki Mahamat ayaa madaxda labada wadan ugu baaqay in hab diblumasiyadeed ay u maraan xurgufta u dhexeysa labada dal.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan, sida ay labada madaxweyne uga wadahadleen danaha ka dhexeeya.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in midowga Africa oo kaashanaya beesha caalamka ay sii wadi doonaan sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen wadamadaan

Si kastaba ha’ahaatee hadalka Moussa Faki Mahamat ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada Soomaaliya iyo Kenya, kadib dagaalkii ka dhacay Beled-Xaawo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this