Deeq A. Posted March 7, 2020 Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa weeraray dowladda federaalka Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxda dowladdu ay meesha ka saareen hanaanka sharciga ahaa ee lagu soo dhisay dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marka la fiiriyo hab-dhaqanka dowladda federaalka uusan waxba ka duwaneyn midka Al-Shabaab, isaga oo ku eedeeyey in dadka ka soo horjeeda ay ka saaraan Soomaalinimada, sida uu hadalka u dhigay. “Dowlada iyo Al-Shabaab waa isku mid, sababtana waa cidii ka hor imaada fikirkooda way dilaan, halka Madaxda dowladda Federaalka cidii ka soo horjeesata ay dagaal ay ku qaadan” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in dowladdu ay joojisay dagaalkii ay kula jirtay Al-Shabaab, islamarkaana ay u soo jeesatay burburinta dowlad goboleedyada ka jira dalka, iyadoo u adeegsaneyso lacag & ciidan. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale uga baaqay dowladaha Turki, Qatar iyo Itoobiya inay joojiyaan taageerada milatari ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya. “Dowladda Turkiga waxaan oran lahaa joojiya Ciidanka aad tababaraysaan majirto Dowlad wax lagu aamini karo ,Qater waxa aan leeyahay jooji sanuuda aad bixinayso,Itoobiya waxa aan leeyahay joojiya Saraakiishiina faragalinaysa arimaha Jubbaland” ayuu yiri markale yiri Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xiisad dagaal oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Share this post Link to post Share on other sites