Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaaradda Mareykanka Ee Tunisia Oo Qarax Lala Beegsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Tunisia)-Warbaahinta Tunisia ayaa ku warrameysa in laba qof oo isa soo miidaamiyay ay isku qarxiyeen meel u dhow safaaradda Mareykanka ee magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

Idaacadda gaarka loo leeyahay ee Mosaique ayaa ku warrantay in shan boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarka. Qaar ka mid ah booliska dhaawacmay ayaa ah kuwii ilaalinayey safaaradda Mareykanka.

Booliska ayaa jaray goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaas oo uu ka muuqday burburka qaraxa. Waxa la arki karey calanka Mareykanka oo ka muuqda qeybta dambe ee halka ay wax ka dhaceen.

5E029C13-FF43-432C-B337-4A9BED4777BD_w10

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxyada ay ku dhinteen labadii qof ee fuliyey.

Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah ragga weerarka soo qaaday uu isku dayey inuu galo safaaradda balse laga hor-istaagay.

Kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ayaa waayadan bartilmaameedsanayay dalkai Tunisia, halkaaso ay ku dileen dhowr qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this