Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka Laga Helay Cudurka Coronvirus Oo Gaadhay Boqol Kun Oo Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Beijing)-Tirada dadka laga helay cudurka dunida ku sii faafaya ee Coronovirus ayaa kor u dhaaftay boqol kun oo qof sida laga soo xigtey Jaamacada Johns Hobkins University.

Cudurkan ayaa waxaa gudaha dalka Shiinaha oo kaliya ugu geeriyootay dad ka badan saddex kun halka wadamada kale ee caalamka ay u dhinteen dad gaadhaya 267 ruux oo badankood ku dhintey dalka Iran iyo Talyaaniga.

Ugu yaraan 1,200 oo ruux ayaa laga helay cudurkan gudaha dalka Iran 24kii saacadood ee ugu dambeysay halka la xaqiijiyay in dalka Iran ay ugu dhinteen cudurkan 124 qof, Dalka Faransiiska ayaa laba boqol oo qof laga helay cudurkan halka Hindiya iyo Koofur Kuuriya ay kordheen tirada cudurkan uu saameeyay.

Coronovirus.jpg

Dadka cudurkan ugu dhintey dalka Maraykanka ayaa gaadhay 12 iyadoo qofkii ugu dambeeyay uu ku dhintey King County Washington State Khamiistii.

New York State ayaa tirada cudurkan laga helay waxa ay gaadhay 33 ruux sida uu sheegay Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo.

Waddamada uu cudurkan gaadhay kuwii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka mid ah dalalka Cameroon iyo Benin oo qaarada Afrika halka dalalka Serbia iyo Peru laga sheegay cudurkan.

Tirada dadka qaba cudurka Coronavirus ee dalka Hindiya ayaa gaadhay 31 qof sida laga soo xigtey wasaarada caafimaadka dalka Hindiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this