Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo war ka soo saaray Xiisadda Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa walaac ka muujiyay Xiisadda Siyaasadeed ee mar kale ka dhex bilaabaty Kenya iyo Soomaaliya.

Gudoomiye Faki ayaa ka  codsaday dhamaan daneeyayaasha in ay xasiliyaan Xiisadda oo ay xakameeyaan, kuna dhiiri galiyo labada dal inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal.

Mr Moussa Faki  ayaa sheegay  in Midowga Afrika, oo kaashanaysa Beesha Caalamka ay sii wadi doonaan in ay si dhaw ula socdaan xaaladda labadda dal si looga baaqsado in Khilaafka sii xoogaysta.

Guddoomiyuhu, wuxuu mar kale xaqiijiiyay in Ururka Midowga Afrika ay diyaar u yihiin in labada dal yeeshaan wadahadal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo deris wanaagga, iyada oo la waafajinayo mabaadi’da Midowga Afrika.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa eedeymo kala duwan hawadda isku marsiiyay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay Kenya ay faragalin ku hayso arimaha gudaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Midowga Afrika oo war ka soo saaray Xiisadda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this