Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo mar kale weeraray Ceel-Saliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab oo xalay ku dhexmaray degaanka Ceel-saliini ee duleedka degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa sida la sheegay bilowday kadib markii malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degaanka Ceel-saliini.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Ceel-saliini ayaa laga soo xigtay in ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab isla markaana xaalada degaanka ay degan tahay.

Dadka degaanka ayaa ku soo waramaya in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas ay is-dhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab inkastoo aan xog sugan laga helin khasaaraha ka dhashay.

Al-shabaab ayaa todobaad ka hor isla saldhigaasi ku dilay in ka badan 40 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda islamarkaana hub fara badan ka furtay kadib weerar ay ku qaadeen Ceel Saliini.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo mar kale weeraray Ceel-Saliini appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this