Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada midoobay oo ka digtay Ayax kale oo ka dillaaca Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa u qaabbilsan dalagga iyo Beeraha ee FAO ayaa ka digtay inuu Soomaaliya ka kaco taranka Ayaxii dhowaan ka dillaacay Waddamada bariga Afrika, kaas oo waxyeello u geystay Dhul daaqsimeed badan.

Hay’adda FAO oo soo xiganaysa Xafiiska xiriirinta arrimaha Bini-aadam-nimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), ayaa sheegtay in Ayaxdu uu haatan ka billowday Gobollada Waqooyi bari Soomaliya , iyagdoo la filayo in uu kordho Todobaadyada soo socda.

Hay’adaha Qaramada midoobay ayaa ka walaacsan in ay dillaacdo Ugxanka Ayaxa Bilaha uu soo dhowaado Roobka ee April iyo June, markaas oo laga yaabo in ay Koron-koradu waxyeelleyso dalagga, daaqa iyo Beeraha.

PUNTLAND POST

The post Qaramada midoobay oo ka digtay Ayax kale oo ka dillaaca Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this