Sign in to follow this  
Deeq A.

Barakac ka bilowday qaybo kamid ah Mandera

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandera (SMN) – Qaar kamid ah shacabka ku nool magaalada Mandera ee waqooyi barri Kenya ayaa bilaabay in ay barakacaan.

Qof kamid ah dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in ay u qaxayaan degaanada ku teedsan degmadda Mandera.

Dadkaan oo adeegsanaya basaska ayaa la tilmaamay in meelaha ay tegayaan ay kamid tahay dhanka xuduudka Itoobiya.

Cabsidda ugu weyn ee haysata dadkaas waxaa la sheegay dagaal kale oo dhexmara Ciidamada Jubaland iyo Dowladda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu sarre u kac ku yimid qiimihii lagu raaci jiray gaadiidka basaska, taasoo dadka saameysay.

Dhowaan ayay ahayd markii ay dhinacyadda dagaalameen, waxaana isku dhacaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this