Deeq A. Posted March 6, 2020 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyha ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed, Batuula Sheekh Axmed Gabale, ayaa maanta ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ku wareejisay xoollo nool, bur iyo bariis. Deeqdaas ayay sheegtey in ay garab-istaag ugu muujinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Batuula ayaa daboolka ka qaadey in haweenka qaranka ay sii wadayaan taageeradda Askarta. Cabdi Xamiid Maxamed Dirir, taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya, oo ka mahadceliyey deeqdaas, ayaa sheegay in ay tani u noqoneyso dhiiragelin isla markaana ay wax badan ka filayaan Haweenka Qaranka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites