Deeq A. Posted March 6, 2020 Muqdisho (SMN) – Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadanayay barnaamijka dooda Jimcaha ee kabaxa shabakada warbaahinta Shabeelle ayaa siyaaba kala duwan ugu hadlay qaabka looga baahanyahay in dowlada federaalka ah ay u wajahdo xal ka gaarista muranka saiyaasadeed ee kala dhaxeeya Kenya. Injineer Nuur Sheekh, oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed islamarkaana ka hadlayay aragtidiisa ku aadan xal u helida khilaafkaas, ayaa sheegay in dowlada dhexe ee dalka looga baahanyahay in gabi ahaanba ay xirto xadka lawada wadan xiriirkana loo jaro dowlada Kenya maadaama waxyaabaha laga hadlayo ay yihiin qarannimada Soomaaliya oo dowlada masuul uga tahay Umada Soomaaliyeed. Siyaasi Cabdiraxmaan Yuusuf Raabi ayaa isagana qaba aragti taa ka duwan tan Eng Nuur Sheekh, isagoo tilmaamay in kahor inta aan loo gudbin arrinta Kenya la dhameeyo khilaafaadka dowlada federaalka ah kala dhexeeya qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, waxaana uu sheegay in intaa kadib arrinta Kenya lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarasho laba dhinac. Mr Raabi ayaa dhinaca kale sheegay in laga gudbo aragtida ah in maamul goboleedyada ay iyagu faraha la galaan siyaasadda arimaha dibada, maadaama dowlada dhexe ay musuul uga tahay Soomaaliya latacaamulka siyaasadaha arimaha dibadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku soo dhawaasho ka sameeyay xiisada gobolka Gedo kadib markii madaxda laba dal ay khadka telefoonka kaga wada hadleen in is afgarasho lagu dhameeyo xaalada murugsan ee lawada wadan balse waxaa wali taagan khilaafkii gacan ka hadalka sababay ee ka dhex-taagan maamulka Jubaland iyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo qaybaha kala duwan ee bulshada ay soo jeedinayaan in xal laga gaaro khilaafaadyadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites