Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war ka soo saartay khasaaraha Al-Shabaab ee duqeyntii Kuunya Barow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Mareykanka ee AFRICOM ay duqeyn la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanka Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose, oo ay maamulaan ururka Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu sheegay warkan in lagu dilay duqeynta, in kastoo aan la shaacin magaciisa iyo awooda uu ku dhex lahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Kuunyo Barrow oo ah deegaan gacanta ugu jira Al-Shabaab, waxayna tani noqonaysaa duqeyntii 3-aad oo ay diyaaradaha Mareykanku ka fuliyaan mudo 10 maalmood gudahood ah.

28-kii bishii hore ee Febraayo, 2-dii bishan Maarso iyo 5-tii isla bishan Maarso ayey diyaaradaha Mareykanku duqeymo ka geysteen deegaankaan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

aa.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this