Deeq A. Posted March 6, 2020 Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Dowladda Norwey ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Safiirka safaaradda Norwey ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen Arrimaha Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan iyo u diyaar garowgooda. Waxaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu safiirka Safaaradda Norwey ee Soomaaliya uu uga warbixiyay halka ay marayaan u Diyaar garowga doorashooyinka Wadanka ka dhici doona,dhanka kalena Safiirka ayaa Baarlamaanka uga mahad celiyay dadaaladooda la xiriira diyaarinta shuruucda Doorashooyinka Dalka muhiimka u ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites