Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo sheegay in Bankiga Adduunka uu Soomaaliya ka cafiyay dhamaan deynta uu ku lahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Soomaaliya dhammaan Deyntii uu ku lahaa Bangiga Adduunka uu cafiyay kadib dadaal badan oo lagu bixiyay howshaan.

Wasiirka ayaa sheegay in wixii xiligan ka dambeeya ay soomaaliya heli doontaa mashaariicyada iyo deeqaha uu bixiyo bankiga aduunka.

Qoraalka Wasiirka ayaa waxaa sidan u qornaa.

Waa markale iyo farxad horleh, Bangiga Aduunka ayaa cafiyay dhamaan wixii deyn ah oo uu Soomaaliya kulahaa dadaal badan kadib.

Waa markii ugu horeysay mudo 30 Sano kadib si rasmi ah aan uga mid noqono dalalka Xubnaha ka ah WorldBank oo aan helno deeqaha horumarinta bangigu uu siiyo dalalka Xubnaha ka ah.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya, dhamaan Wasaaradihii nagala qeyb galay Barnaamijka Deyn_Cafinta, Saaxibadeena caalamka oo ay ugu horeyso Dowladda Norway iyo Bulshada Soomaaliyeed oo si geesinimo leh noo garab istaagay.

Isbadal qiimo leh ma aha wax si fudud lagu heli karo, sidaas darteed har iyo habeen kama seexan doono inaan ku dadaalno wax walba oo aan ku horumarin karno dalkeena.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this