Sign in to follow this  
Deeq A.

Ex. Madaxweyne Gaas oo ku soo wajahan magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Sabtida berriya ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ex. Madaxweyne Gaas ayaa dalka dibaddiisa ku maqnaa mudda 13-bilood ah isagoo 2-February 2019 ka dhoofay magaalada Garoowe kadib doorashadii Puntland ka dhacday 8-January 2019 ee lagu doortay madaxweyne Deni.

Gaas oo xalay qoraal kooban bartiisa Facebook soo dhigay ayaa xaqiijiyay in uu Sabtida berriya Garoowe imaan doono balse wax faahfaahina kama bixin safarkiisa Garoowe.

Mudane Gaas ayaa la sheegaya in uu marti-qaad rasmiya ka helay madaxweynaha haatan talada haya ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku casumay Shirka Wada-tashiga Puntland ee qorshaysan in la qabto 15-ka bishaan Maarso 2020.

PUNTLAND POST

The post Ex. Madaxweyne Gaas oo ku soo wajahan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this