Sign in to follow this  
Deeq A.

Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay 45 Malyan oo Dollar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Bangiga Adduunku uu Soomaaliya ugu deeqay 45-Malyan oo dollar.

Isaga oo ka hadlayay arrintaas ayuu tilmaamay in bangiga dhexe ee Soomaaliya lagu soo shubay lacagtaas islamarkaana loo adeegsan doono arrimaha bulshada iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Lacagta baanka adduunka ka timid waxaa lagu dhisayaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka iyo in horumarin lagu sameeyo arrimaha bulshada ee dalka” ayuu yiri Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shaaciya in Soomaaliya ay dadaal badan ay ku bixisay cafinta deymaha lagu leeyahay taas oo qeyb ka ahayd caqabadaha ku taagan waddanka

PUNTLAND POST

The post Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay 45 Malyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this