Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga iyo Ruushka oo heshiis xabbad joojin ah gaaray Xiisadda Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka ayaa heshiis xabbad joojin ka gaaray xiisadda ka taagneyd gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Heshiiska xabbad joojinta oo dhaqangalkiisa uu billaabmaya saqdi dhexe xalay xilliga dalka Suuriya wuxuu ka dhaqan galayaa Gobolka waqooyiga galbeed ee Suuriya ku yaalla ee Idlib ee ay xasaraadda ka taagneyd.

Bishi la soo dhaafay ayay 36 askari oo Turki ah ay ku dileen weerar ay dowladda Suuriya ku soo qaadday Ruushkana uu gacan ka siinayey.

Turkigana wuxuuna jawaab xooggan u weerarkaasi ka bixiyey uu ku qaaday ciidamada Suuriya iyo maleeshiya ay isgarab sadaan.

Dhacdadaasi ayaa ka dhalatay cabsi ah inuu dagaal ay ka dhex abuurto Turkiga iyo Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Turkiga iyo Ruushka oo heshiis xabbad joojin ah gaaray Xiisadda Suuriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this