Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi oo sheegay in sarkaal ka tirsan DF uu ‘nin baxsad ah’ u gacan galiyey Shabab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada ay dowladdu geysay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, uu ururka Al-Shabaab u gacan galiyay Nin baxsad ah oo dil ka geystay deegaanada ay maamuulaan Shabaabku ee Ceel-Buur.

Sarkaalkan ayaa amar uu ka helay maamulka Al-Shabaab ee deeganadaasi, ugu gacan galiyay Ninkaasi, sida uu shaaciyey Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi oo ka gaabsaday in uu magacaabo Sarkaalkaasi ayaa waxa uu sheegay in dhamaadkii sanadkii tagay ee 2019 uu Al-shabaab u gacan galiyay Ninkaasi oo dil ka geystay deegaanadooda ka dibna usoo baxsaday Dhuusamareeb una sii gudbay dhinaca Cadaado.

“Maamulka Al-Shabaab ee deegaanadaasi ayaa soo wacay Sarkaalkaasi ka tirsan ciidamada, kuwaasi oo ku amray in uu usoo gacan galiyo Ninkaasi, uguna keeno deegaanadooda,” ayuu yiri Fiqi.

Sida uu sheegay Fiqi, sarkaalka oo fulinaya amarkaasi ayaa inta uu watay Ciidamo soo qabtay Ninkaasi, kadibna kusoo qaaday gaadhigii dowladda, sidaasina ugu gacan galiyay ururka Al-Shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda.

Xildhibaanka ayaa xusay in Sarkaalkaasi uu dib u soo laabtay isagoo nabad qaba, isla markaana aysan Al-Shabaab wax dhib ah u geysan, markii uu Ninkii baxsadka ahaa ugu geeyay deegaanadooda.

Talaabadan ayuu Xildhibaanku ku sheegay mid muujinaysa heerka wada-shaqeyneed ee Saraakiisha dowladda iyo ururka Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu walaac ka muujiyey amniga deegaanada Galmudug, maadama ay la wareegeen Saraakiil fulinaya amarada Shabaabka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mana jirto ilo madax-banaan oo si dhab ah u xaqiijinaya xogtan uu shaaciyay Xildhibaanku, balse wuxuu sheegay in uu hayo cadeymo ku aadan arrintaasi, isla markaana uu qaadayo mas’uuliyadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this