Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamuud Sayid Aadan oo shaaciyey inay goob cusub u guureen ciidankii Jubaland ee xuduudda Beled Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandhera (Caasimada Online) – Tan iyo markii maalma kahor ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Jubaland ay ku dagaalameen magaalada Beld Xaawo ayaa waxaa la isweydiinaya halka ay ku sugan yihiin ciidanka Jubaland ee isaga soo baxay halkii ay ku sugnaayeen.

Madaxweyne Ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayiid oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in uu ku sugan yahay xadka u dhaxeeya labada waddan, gaar ahaan magaalooyinka xuduudda Mandheera iyo Beled Xaawo.

“Waxaan ku sugannahay xaduuda u dhaxeyso Mandheera iyo Beled Xaawo oo ah dhulka la yiraahdo No man’s land, waxaan kusoo boqday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland oo aaggaas joogaa”, ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Wuxuu intaa raaciyay in ciidankii Jubaland ee dhawaan halkaas dagaal ku galay ay ka guureen xeradii ay markii hore deganaayeen, waxaana uu yiri: “waxaan u guurnay xero kale oo isla halkii ah maadaama kii hore uu ahaa goob ay deganaayeen dad rayid ah, kan hadda aan degannahayna waa mid goobaha shacabka ka fog oo haddii nala soo weeraro aan isku difaaci karno”.

Waxaa kale oo uu sheegay in khilaaf walba oo ku saleysan doorashada Jubaland ay ahayd in lagu xalliyo hab siyaasadeed, balse aanan ciidan lagu dabaqin.

Mar wax laga weydiiyay xiriirka kala dhaxeeya ciidanka Kenya ayuu sheegay inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo keliya, waxaana uu beeniyay eedeyn uga timid dhanka kale ee Beled Xaawo oo sheegay in ciidanka Kenya ay gacan siiyeen xoogagga Jubaland.

Sababta ciidankooda ay uga dagaalamayeen dhanka Mandheera ayuu sheegay “in ciidanka Jubaland iyo ciidanka Kenya ee jooga dhanka xuduudda uu ka dhaxeeyo iskaashi xagga farsamada, ayna tahay wax caadi ah oo muddo soo jiray”.

“Xoog iyo qori waxba kuma saxmayaan, xalka waxaa laga sugayaa cidda deegaankaas si khaldan ciidamo u keentay, ciidamadanna u jaheyso dagaalka Al Shabaab”.

Xigasho: BBC Somali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this