Deeq A. Posted March 5, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa caawa kulan casho ah la yeeshay hay’adaha u xilsaaran dhammeystirka Dastuurka KMG, oo maanta soo gaaray Magaalada Dhusamareb. Munaasabaddan casho sharafta ah oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada, Waxaa goobjoog ahaa; Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Guddoonka Golaha Barlamaanka, iyo xubana kamid labada Gole ee DGGM. Munaasabadaan oo si hufan loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb galay; Wasiirka Wasaaradda Dastuur JFS, Guddoomiyaha Guddiga la socodka, dib-u- eegista iyo hirgelinta dastuurka, iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib u eegista dastuurka. Hay’adaha Dastuurka ayaa Maalmaha ay joogaan Dhuusamareeb, la tashi la yeelan doona hay’adaha dowliga ah iyo laamaha kala duwan ee bulshada iyagoo ka dhageysan doona taladooda iyo aragtidooda ku aadan dib u eegista dastuurka qabyadaha ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites