Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Jubaland oo mudda kordhin u sameeyay soo magacaabista Wasiirada Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Barlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyay codsi ka yimid Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland kaas oo ah in muddo kordhin labo bilood ah loo siiyo madaxwaynaha si uu soo dhiso golahiisa wasiirada cusub ee Jubbaland.

Dhammaan xildhibaanadii soo xaadirtay kulanka ayaa u codeeyay in muddo kordhin la sameeyo mana jirin cid ka aamustay sidaas darteed waxaa halkaas lagu ansixiyay muddo kordhintii uu soo codsaday Madaxweynaha Jubbaland.

Kulanka xildhibaanada kadib waxaa warkaas Saxaafadda u xaqiijiyay guddoomiyaha habdhoorka baarlamaanka Jubbaland mudane Shugri Wayrax Kaariye.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Jubaland oo mudda kordhin u sameeyay soo magacaabista Wasiirada Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this