Deeq A. Posted March 5, 2020 Beledweyne (SMN) – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa war kasoo saarey dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan, bartamaha dalka. Iska hor-imaadka oo u dhaxeeyay ciidamada Macawiisley iyo Al-Shabaab ayaa sababay khasaaro kala duwan. Isku dhaca ayaa laga soo kala wariyey degaanada Biitaale iyo Ceel-cali oo hoostaga gobolka ay xaruntiisu tahay Beledwayne. Ugu horeyn, abaanduulaha qeybta 27aad ee ciidamadda xooga, Saalax Yacquub, ayaa sheegay in ay guulo kasoo hooyeen dagaalka. Askarta lagu weeraray Biitaale ayuu xusay in ay gurmad u ahaayeen Macawiisleyda Al-Shabaab kula dagaalantay Ceel-cali. Saddex qori AK 47 iyo Hal saban ayuu sheegay in ay kasoo hurteen, isla markaana ay ka dileen tirro dagaalameyaal uusan cayimin. Dhankooda ayuu xusay in ay dhaawacyo kasoo gaareen saddex askari, kuwaasoo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo haatan. Dhanka kale, Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalka ayaa guulo ka sheegatay, waxayna xustay in ay dishay xubno badan iyo askar. Gobolka Hiiraan waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday dagaalo dhexmarayay ciidamadda Al-Shabaab iyo Macawiisleyda, oo iskood isku xilqaamay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites