Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan Cabdillaahi Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Shirka Beelaha Habar-Jeclo Iyo Garxajis

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco, Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse,ayaa ka hadlay Shirka labada Beelood ee Barriga iyo Galbeedka Burco, ee filayo inuu bishan badhtankeeda dhaco, waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu Shirkani ku dhammaado wanaag, kana soo baxaan qodobo muhiim ah.

Suldaanka guud ee Beesha East Burco Clan Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey Shirkan iyo sababta wakhtigan ku soo beegtay ayaa ku jawaabay “Sida aad maqasheen aniguna aan sheegay Shirkani wuu jira, waana Shir dhexmari doona labada Beelood ee walaalaha ah, waa Shir caadiya, oo labada Beelood danahooda ayey kaga hadlayaan, Shir khayr qaba, oo qodobo muhiimi ka soo baxaan, ayaan rajaynayaa ALLE idimkii inuu inoo dhaco, inuu Shirku inoogu bilawdo si khayr badan, inooguna dhammaado si khayr badan, ayeyna ALLE ka baryeynaa”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this