Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shaakir iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan Hoggaanka Ahlusunna oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo xildhibaanno ka titsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wefdiga oo ka yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay arroornimadii hore ee saaka safar dhulka ah kaga soo jarmaadeen sida ay Puntland Post u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Imaatinkooda ayaa ku soo beegmay xilli maalmahan uu Garoowe ku suganyahay Hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna Macallin Maxamuud Sheekh Xassan islamarkaana la hadal-hayo in uu safar dibadda ah u baxayo inkastoo aan weli la xaqiijin dalka uu tegi doono.

Hoggaanka ururka Ahlusunna oo in ka badan 12-sannadood ka talinayey gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan isu dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST

The post Sheekh Shaakir iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this