Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada Muqdisho oo hal Xisbi iyo hal musharrax ku midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Lix ka tirsan Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho, ee la baxay Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa shaaciyay in ay ku midoobeen hal xisbi oo keliya.

War-murtiyeed ka soo baxay Shir mudda shan maalmood ah uga socday dalka Turkiga, ayay xisbiyadaasi ka sheegeen in ay ku midoobeen hal xisbi, islamarkaana ay doorashada Soomaaliya ee 2021-ka ay soo sharrixi doonaan hal musharrax oo keliya.

Madasha ku midoobay halka  xisbi ayaa kala ah: xisbiga UDP, Xisbiga Himilo Qaran, Xisbiga Kulan, Xisbiga Horusocod, Xisbiga Ilays  iyo Xisbiga  Nabadda.

Madasha ayaa hawshaasi u saaray guddi ka kooban 12 qof, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii loo hirgelin lahaa midaynta Xisbiyadaas oo hal xisbi looga dhigi lahaa.

PUNTLAND POST

The post Madasha Xisbiyada Muqdisho oo hal Xisbi iyo hal musharrax ku midoobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this