Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga Oo Si Rasmi Ah U Joojiyay Cumrada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Sucuudiga oo hore u mamnuucday cumrada dadka ajnabiga ah, ayaa ku dhowaaqday in sidoo kale hadda laga mamnuucay dadka u dhashay dalkaas.

Sucuudiga ayaa Isniintii shaacisay in qofkii ugu horreeyey ee dalkaas ku nool laga helay cudurka Coronavirus, kaasi oo ahaa qof booqasho ku tegay dalka Iran balse aan shaaca ka qaadin.

“Kadib tallo soo jeedinta guddiga loo xil saaray la socoshada cudurka Coronavirus, waxaa la go’aamiyey in la joojiyo cumrada muwaadiniinta boqortooyada,” waxaa sidaas lagu yidhi qoraal lasoo dhigay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Go’aankan ayaa si joogto ah dib loogu eegi doonaa, waxaana laga yaabaa in wax laga beddelo haddii xaaladdi is-bedesho, sida lagu sheegay qoraalka SPA.

97973fc9c29e034d4604c1268d284b98f8d935be 2020-03-03t124231z_1792590163_rc2ccf9cln

Dadka Sacuudiyaanka ah ayaa weli booqan kara masaajidada Xaramka iyo masaajidka Nebiga NNKH, si ay salaadda ugu tukadaan, hase yeeshee waxaan la ogoleyn kaliya cumrada.

Toddobaadkii tegay, Sucuudiga ayaa hakiyay Cumrada iyo Dalxiiska ay dalkeeda ku iman jireen ajaaniibta dalalka uu ku fidayo cudurka Coronavirus.

Wasaaradda arrimaha dibdda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hakinta ay tahay mid waqti kooban ah, hase yeeshee ma shaacin xilliga ay ku eg tahay.

Ma cadda, haddii go’aankan uu sameeyn doono Xajka oo sannadkan ku beegan dabayaaqada bisha July.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this