Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaq laga soo saarey xiisada Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xili dowladda Kenya ay soo saartay bayaan ku aadan in dowlada Somalia ay faragalin dhuleed kawado gudaha dalkeeda ayaa arintaasi waxaa ka hadlay mid kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed oo ku tilmaamay bayaanka Kenya si weyn looga dheehan karo caro xoog leh.

Siyaasi Cabdiraxmaan Yuusuf Raabi oo la hadlayay idaacada Shabelle ayaa sheegay in bayaanka Kenya uu yimid kadib markii mudaneyaal katirsan baarlamaanka Kenya kuwaas oo lagasoo doorto waqooyi bari Kenya ay Muqdisho shirar qarsoodi ah ay kula yeesheen madax katirsan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Raabi ayaa ku nuux-nuuxsaday in  xalka kaliya ee dowladaha Somalia iyo Kenya uu yahay xal diblomaasiyadeed oo lawada wadan ay isugu imaanayaan fadhiyo lagu xalinayo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhexeeya, isagoo sidoo kale tilmaamay in Kenya iyo Somalia ay yihiin labo wadan oo danahoodu ay isku xiran yihiin oo aan hakad ku imaan karin xiriirkooda.

Waxaa sii xoogaysanaya xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladaha Somalia iyo Kenya oo midba midka kale ku eedeenaya in ay fara galin ku hayso gudaha dalkiisa. Xili kal hore dowladda Somalia ay soo saartay war saxaafadeed ay eedeeyn ugu jeedinaysay dalka Kenya oo ay ku eedeysay in faragalin siyaasadeed ay kawado gudaha Somalia halka dowlada Kenya iyana ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya in faragalin dhuleed ay kawado dalkeeda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this