Deeq A. Posted March 5, 2020 Beledwayne (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo xoogaga Macawiisley ayaa ku dagaalamay degaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan. Dadka degaanka ayaa idaacada Shabelle u sheegay in iska hor-imaadka uu sababay khasaaro isugu jira dil iyo dhaawac. Ma jiro wax war ah oo labada dhinac ay kasoo saareen dagaalka oo la tilmaamay in uu ahaa mid saacado socday. Tirro dhowr jeer ah ayay horey labada dhinac ugu dagaalameen gobolka, waxaana arrintaas ay saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites