Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab oo ka qarxay duleedka Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AL-Shabaab ayaa ka qarxay duleedka Magaalada Beledweyne sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimadda Online.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Biitaale oo dhaca Galbeed Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan halkaas oo ay gacanta ku heyso Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya.

Sida dadka deegaanka u sheegeen Caasimadda Online, waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayo inkastoo aan weli si rasmi ah loo helin inta uu la eg yahay khasaaraha.

Ciidamo gurmad u ah kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ka baxay Magaalada Beledweyne, waxaana la filayaa inay ku biiraan dagaalka xooggan u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this